Mas'uul katitsanaa Maamulkii Gobalka Hiiraan oo ku baaqay in la taageero Maxkamadaha iyo Nuur Cadde oo Gobalka Hiiraan Maamul umagacaabay
 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, April 30, 2008

 
Mas'uul katirsanaa Maamulkii Gobalka Hiiraan ee lawiiqay ayaa Maanta ku baaqay in Shacabka ku dhaqan Gobalka Hiiraan ay dhistaan Maxkamado Islaami ah si dhibka looga baxo islamarkaana ay iska diidaan wax uu ku tilmaamay Dowlad ku sheeg.
 
Cali Max'med Cali Yare oo ahaa qaaligii Maxkamada B/weyne ayaa shaaca ka qaaday in Maamulkii yuusuf Dabageed uu ahaa Mid sharci darra ah oo khaladaad badan ka galay Shacabka kunool gobalka hiiraan islamarkaana uu iska casilay xilkii uu hayay.
 
Mas'uulkan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Maamul cusub oo uu Maanta Nuur Cadde umagacaabay Gobalka Hiiraan kaas oo uu kutil maamay mid mari doono meeshii uu maray kii uu hugaaminayay yuusuf Dabageed " Maamu aan ku imaan rabitaanka Shacabka mashaqaynayo kan Maanta la dhisayna waa Oraadhii ahayd Waan Soca weynee aab Orodno" ayuu yiri Cali yare.

 

 

 

MudugNet News