Maleeshiyaad ka tirsan Camiilada C/laahi yuusuf oo Saaka lagu laayay Gobalka Sh/hoose.
 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 02, 2008


Maleeshiyaad ka tirsan Xukuumada C/laahi yuusuf ee gumaysi raaca ah ayaa saaka lagu laayay tuulada Ow-dheegle oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose oo kamid ah meelaha ay ku xooganyihiin xoogaga waxiska caabinta Soomaaliya.

Wararka nagasoo gaarayo gobalada Sh/hoose ayaa sheegayo in 4-Maleeshiyo oo katirsan Dowladda C/laahi yuusuf ee Gumaysiga Itoobiya taabacsan, kooxo ku hubaysan Baasuukayaal iyo Bastoolado ayaa la sheegay in ay u dheceen Isbaaro ay Dadka lacago leeja ah uga qaadayeen Maleeshiyada lalaayay.

Maamulka Camiilka u ah Ciidamada Cadawga itoobiya ee Gobalka Sh/hoose ayaa arrintaas Cambaareeyay, xaalad jiha wareer ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto Sh/hoose waana markii ugu horaysay oo degmada Ow-Dheegle lagu Dilay Maleeshiyaad ka tirsan Dowladda C/laahi yuusuf.
 

MudugNet News