MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKHDA DAHABIGA AH EE MACALIN AADAN CEYROOW GEESI AAN LA HILMAAMI DOONIN!!.
 

MudugNet, Muqdisho.Jimce, May 02, 2008


Macalin Aadan Xaashi (ceyro) waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah da diisana tahay 32 sano jir muuqaal ahaan uma muuqan da,daas balsa waxa uu ahaa nin taariikh weyn ku leh bulshada Somaliyeed iyo caalamkaba sidoo kale waxa uu ahaa nin ay kuweentahay mabda,a ah in dalka lagu xakumo Diinta Islaamka.

Sidoo kale waxa uu taariikh weyn ku lahaa Nidaamkii Maxkamadaha asigoo inta badan aan lagu arki jirin meelaha fagaraha ah oo shirarka ka dhici jireen sidoo kale ma aheyn nin muuqaal ahaan sawirkiisa lagu arki jiray saxaafada qeybaheeda kala duwan.

Macalin Aadan waxa uu horey u sheegay inuu ka mid ahaa dhalintii tababarka kusoo qaadatay dalka Afganistan xiligii ay ka talinaayeen Ururkii Taalibaan sidoo kale waxa lagu yaqaanay inuu ahaa nin eey umada Somalyieed u siman tahay hadana aan jecleen inuu wax la wadaago qabaail haduu ahaan lahaa kuwa asiga uu kasoo jeedo amaba qabaailada kale ee Soomalida, ayadoo uu horay u sheegay in ilaaladiisa qaaska ah aynan ku jirin qof reerkiisa ah.

Sidoo kale waxa uu ka soo qeyb qaatay dagaaladii ururkii Al Itixaad eey ku qaadeen goboladii Waqooyi Bari ee Soomaliya sanadka markuu ahaay 1990kii isla sanadkaas waxa uu ka qeyb galay dagaalkii ka dhacay Gedo ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Al itixaadka iyo sanadkii 2006da kacdoonkii ay Maxkamdaha ku qabteen amaanka caasimada iyo koonfurta Somaliya.


SABABTA KEENTAY INUU ILAALO SAMEESTO

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa gurigiisa soo weeraray kooxo dhalinyaro ah ayagoo raadinaaya asiga balsa ma aysan haleelin waxa ay ka wateen gurigiisa labo nin oo markaas joogay kadibna waxa uu go'aansaday inuu ilaalo gaar ah asiga sameesto isagoo aaminsanaa waxa loo raadinayay iney aheyd in gacanta loo galiyo Amerikanka laakin Alla ma uusan dhihin ilaaladasana ma aysan eheen kuwa ku heeb ah maadama lagu yaqaano Soomaalida ineysan aaminin dadka aan ku heebta eheen waana la ogaaday waxa u ahaay.


MACALIN AADAN IYO HOGAANKA

Macali Aadan xiligii Maxkamadaha dalka intiisa badan ay ka talinaayeen ma uusan ehyn nin jecel inuu maqlo asigoo la dhahaayo Amiir... amaba hadalo la mid ah oo lagu amanaayo lagana dhigaayo nin madax ah mana jecleyn in ay dadka maqlaan asigoo idaaacadaha ka hadlaayo balsa waxa uu ahaay nin nidaamka iyo horomarka diinta lagu dhaqaayo dalka Soomaaliya aad u jeclaay asigoona ku amaani jiray dadka inay noqdaan dad is jecel sidoo kale waxa uu ahaay halyeey Somali dhab ah umada Somaliyedna ma ilaawi doonto waxa uuna noqday nin umada wax weyn uga tagay, "ma uusan dhiman wali waa jogaa maadama uu ka tagay dhalinyaro badan oo uu tababar siiyay" sidaa waxaa yiri Abuu Mansuur.

Dhacdadani ma ahan mid eey ku farxeen umadda Somalyieed balse waxey nasiib xumo ku noqotay Dowlada Mareykanka oo ku faantay dhahdayna argagaxiso ayaan dhulka ciida u darnay laakin Macalin Aadan waxa uu ka tagay waa taarikh ku dayasho mudan ilaahna hanaga dhigo dad diinkooda iyo dadnimadooda mar walbo heesta aamin.

MudugNet News