Warbaahinta Soomaaliyeed oo Dareen Diimeed iyo mid Wadaniyeed u Tebisay Xasuuqii ka dhacay Dhuusa mareeb iyo Muqdisho iyo Mudugnet.com oo lagu amaanay kaalinta ay uga jirto Gobanima doonka Soomaaliyeed.
 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 02, 2008


Warbaahinta Madaxa banaan ee ka jirto Soomaaliya ayaa Dareen Diimeed iyo Soomaalinimo ka muujiyay Xasuuqa ay Maraykanka iyo Itoobiya ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan Duqaymihii ay ku Shahiideen Macalin Aadan Xaashi Ceyroow iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ee dagaalka kula jirto Maleeshiyada Puntland iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya.

Idaacadaha Maxaliga ah iyo Wargaysyada dalka Soomaaliya ayaa si lagu qanco uga hadlay Falkii Gardarada ahaa ee lagula kacay Shacabka Dhuusamareeb.

Intabadan Wakaaladaha Wararka Soomaaliya ee laga daalacdo Bogga Internet-ka ayaa si Wadaniyadeed u tebiyay Dhacadadii foosha xumeed ee Dhuusamareeb ka dhacday.

Bogaga caanka ah ayaa lagu arkayay Erayo ay kamid yihiin Maraykanka oo Xasuuq kagaystey Dhuusamareeb, Macalin Aadan Cayroow oo Shahiiday, Macalin Aadan Ceyroow Geesi aan lahilmaami karin iyo Mawaadiic kale.

Idaacadaha ugu Afka dheer magaalada Muqdisho ayaa si aan leex-leexad lahayn ula saftay waxiska caabinta iyagoona Wararkooda ku weynaynayay Sharafta iyo qiimaha uu leeyahay Geesi kasta oo ka dhiidhiya Gumaysiga Amxaarada sida Macalin Aadan Ceyroow oo ahaa Haylay Soomalaiyeed

 

MudugNet News