Weeraro loogu aargudayo Macalin Aadan Xaashi Ceyroow oo Galabta iyo Caawa ka dhacay qaybo katirsan Muqdisho.
MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 02, 2008
Weeraro xoogan oo loogu aar gudayo Allaha u naxariistee Hogaamiyihii Ciidanka Al Shabaab Macalin Aadan Cayroow ayaa 24-kii Saac ee la soo dhaafay ka bilaawday qaybo katirsan magaalada Muqdisho iyo Gobalada Dalka Soomaaliya.
Xoogaga wax iska caabinta Soomaaaliyeed ayaa Galabta Weerar ku qaaday Fariisimada Ciidamada Cadawga Itoobiya ee ku sugan Isbartiibada magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo 12-Hoobiye ayay xoogaga wax iska caabinta Soomaaliyeed ku garaaceen Isbartiibada Muqdisho waxaana la sheegay in ay ku hoobteen Ciidamo ka tirsan Cadawga itoobiya ee ku soo duulay Soomaaliya, Xoogaga Mujaahidiinta oo u muuqdo kuwo u aar gudayo Shahiidkii Geesiga ahaa Macalin Aadan Xaashi Ceyroow oo ay Shalay Diyaaradaha Maraykanku ku duqeeyeen Dhuusamareeb.
MudugNet News