Maalinta Saxaafadda Adduunka oo Maanta laga xusay magaalada Muqdisho iyo GOLAHA AKADEMIGA SAXAFIYIINTA SOOMAALIYEED (ACSOJ) oo ku Baaqay in la ilaaliyo Xoriyatul-qowl-ka

 

Ref.: ____________
Date: ____________

Ujeedo : Hambalyo iyo Baaq.
 

warqabad
 

Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay 3-da May oo ah maalinta Warbaahinta Madaxa Banaan ee Adduunka waxaan hambalyo u direynaa qeybaha kala duwa ee Warbaahinta Adduunka oo kuwa Soomaaliyeedna ay kujiraan.
 

Waxaan aad uga xun nahay iyadoo maanta loo dabaal degayo 3-da May oo ah maalinta Warbaahinta Madaxa Banaan ee Adduunka waxaan aad uga xun nahay Tacaddiyada loo geysanayo Saxafiyiinta Adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo kamid noqday kuwa inta badan tacadiyada ba’an loogu geysto Gudaha Wadankooda.
 

Waxaan Cambaareyneynaa Tacadiyadii ugu dambeeyay ee loo geystay qaar kamid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed Bilihii ugu dambeeyay ee lasoo dhaafay gaar ahaan Tacadiyadii loo geystay Wariyeyaal katirsan Idaacadaha :-

Horn Afrik, Shabelle, Codka Nabadda, Universal TV iyo Somaliweyn oo la kulmay qaarkood jir dil, qaarkood kalena la kulmay xarig iyo Xaruntooda Warbaahineed oo albabada la isugu dhuftay taasi oo ay u dheertahay Saxafiyiintii ka carartay Wadankooda in tacaddiyo loogu geysto wadankii ay magangelyada kasii raadiyeen.

Goluha waxa uu ugu baaqayaa Dhinacyada loo tirinayo in ay kula kacaan tacadiyadaasi in ay abuuraan Jawwi u saamixi kara in Wariyeyaasha ay hawlahooda si nabad ah ku gutaan isla markaana sababi kara Saxafiyiintii carartay in ay dib ugu soo laabtaan Gudaha Wadankooda kadibna dib uga hawlgalaan.
Ugu dambeyntii Goluhu waxa uu si aad ah ugu faraxsan yahay siideyntii lasii daayay Sawir qaadahihii Aljazeera Saami Muxyadiin Alxaaj, wuxuuna Goluhu ugu hambalyaynayaa Warbaahinta Adduunka ee Xorta ah Munaasabadda 3-da May oo ah maalinta Warbaahinta Madaxa Banaan ee Adduunka.

Wabillaahi towfiiq.

Guddoomiyaha Golaha Akadeemiga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (ACSOJ). Xuseen Cilmi Nuur.
_________________________________________________________________________________

 

Tel : Office : +2521-658568 Mobile: +002521 - 5523003 / 5531800 / +2525 - 980107

E-mail : acsoj2008@yahoo.com

Mogadishu – Somalia.

 

 

 

 

MudugNet News