Dagaal Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Tuulo ku dhaw degmada Mahadaay Sh/dhexe

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, May 03, 2008

 

Labo qofood ee ku geeriyootay rasaasta ay maleeshiyadaasi la beegsadeen ayaa mid ka mid ah ahayd haweeney dhaawac ahaan loola soo cararay isbitaalka Degmada Jowhar halkaasoo ay markii dambe ugu geeriyootay.

Maleeshiyadan weerarku soo qaadday Tuulada Dacaare ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa waxay baadi goob ugu jireen maleeshiyo kale oo tuuladaasi ku dhaqan oo ay horay xiisasad colaad ugala dhaxaysay isla markaana dagaal soo noq-noqday uu ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux.

Dagaalkan u dhexeeya labadan maleeshiyo ee ka wada tirsan beelaha ku dhaqan deegaanada gobolka Sh/dhexe ayaa wuxuu salka ku hayaa aarsoosi qabiil iyo muran la xiriira lahaanshaha dhul daaqsimeed iyo deegaan oo labaasi beelood mid walba sheeganayso inay iyadu leedahay.

Beelahan Walaalaha ah ee Xiisada Colaadeed ay ka dhax cusboonaatay ayaa dhawaan Heshiis Xabad joojin ah ku saxiiday degmada Mahadaay oo katirsan Gobalka Sh/dhexe, qaar katirsan dadka kunool gobalka Sh/dhexe ayaa aaminsan in Colaadaha uu soo kiciyay Maamulkii lamaja xaabiyay ee Gobalka Sh/dhexe oo ay ka awood roonaadeen Ciidamo Tabacsan Maxkamadaha islaamka Soomaaliya islamarkaana doonayo in Beelaha Walaalaha ay qoota islagalaan

 

MudugNet News