Mas'uuliyiinta Dib Uxoraynta Soomaaliyeed oo ka digay ka qayb galka Shirka lagu wado in Jabuuti lagu qabto haddii ay siisocdaan Xad gudubyada lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.
MudugNet, Muqdisho. Sabti, May 03, 2008
Shiikh Axmed Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib Uxoraynta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay ka fiirsanayaan Wadahadalada maadaama ay Maraykanku Dileen Sarkaal sare oo katirsanaa Xoogaga wax iska caabinta Soomaaliyeed oo ahaa Aadan Xaashi Ceyroow.
Mas'uuliyiinta ugu sarayso Isbahaysiga Dib Uxoraynta ayaa ku tilmaamay falkii ka dhacay Dhuusamareeb mid fulaynima ah oo ladoonayo in lagu wiiqo awooda Muqaawamada Soomaaliyeed balse taasi ma dhicin.
" Dhacdadii Dhuusamareeb ka dhacay waxay wiiqayaan Wadahadalkii aan cagaha badan ku taagnayn ee lagu weday in Jabuuti ku dhaxmaro Isbahaysiga iyo Q.Midoobe waana ka fiirsan doonaa ka qaybgalka" ayuu yiri Shiikh Shariif.
MudugNet News