Xoogaga Wax iska caabinta oo Maanta Weerar ku qaaday Saldhigg ay Suuq Bacaad ay kuleeyihiin Maleeshiyada Kooxda C/laahi yuusuf
 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, May 03, 2008


Xoogaga Waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa Maanta Weerar culus ku qaaday Goob ay kusugnaayeen Maleeshiyo ka tirsan Dowladda C/laahi yuusuf ee Gumaysi raaca ah,ilaa iyo Sedax qof oo laba kamid ah ay yihiin Maleeshiyadii la weeraray ayaa ku dhaawacantay Weerarkaas.

Maanta Duhurkii Saacaddu markii ay ku beegnayd 2:00 ayay xoogaga Gumaysi diidka ah waxay Weerar qaabaysan ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Horseed xaafadda Suuqa Bacaad halkaas oo ay isugu yimaadaan Maleeshiyada Dowladda gaar ahaan kuwa Lacagaha Baadda ah ee Canshuur aruurinta ah ka qaado.

Weerarkan lagu qaaday Maleeshiyada dowladda ayaa qalqal geliyay Tobaneeyo ka tirsan Maleeshiyada Dowlad ku sheega, Xoogaga waxiska caabinta ayaa ballan ku qaaday in Weerarada loogu aargudayo Mujahaid Aadan Ceyroow ay sii wedayaan.


MudugNet News