Beesha Galmaax yoonis oo katirsan Beel-weynta Mudulood oo Maanta Cambaaraysay Duqayntii uu ku Shahiiday Macalin Aadan Cayroow iyo Beesha oo ku baaqday in Ciidamada Cadawga Itoobiya ay dalka isaga baxaan.
MudugNet, Muqdisho. Axad, May 04, 2008
Qaar katirsan Beelaha Mudulood ayaa maanta si kulul u dhaleeceeyay Xasuuqa ay Ciidamada Cadawga Itoobiya ka gaysteen magaalooyinka Muqdisho , Baydhabo iyo Dhuusa mareeb oo kakala tirsan Gobalada Baay, G/gaduud iyo Gobalka Banaadir.
Beesha Galmaax yoonis oo ka tirsan Beelaha Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in ay ka xun yihiin Xasuuqa Wadajirka ah ee lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Gumaysiga Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyada Puntland.
Kulan ballaaran oo ay Maanta isugu yimaadeen Odayaal iyo waxgarad katirsan Beesha Galmaax yoonis ayay ku sheegeen in ay ka xumaadeen Weerarkii ay Diyuuradaha Maraykanku ka gasteen Dhuusa mareeb halkaas oo uu ku Shahiiday Macalin Aadan Xaashi Cayroow oo ahaa Hugaamuiyihii Ciidamada Al Shabaab.
Afhayeenka Golaha Dhaqanka Beesha Galmaax yoonis Mudane Cabdi Kariin Abuukar Shiikh Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in Beesha Galmaax yoonis ay ka xuntahay dhibaatada haysato Shacabka islamarkaana ay kaalin uga jirto Halganka Gumaysi diidka ah
MudugNet News