Ciidamada Xaq u dirirka oo Caawa Madaafiic iyo Hoobiyaal ku garaacay Xarumaha Ciidamada Cadawga Itoobiya ay Muqdisho ku leeyihiin.
 

MudugNet, Muqdisho. Axad, May 04, 2008


Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ayaa Caawa Weeraro ku qaaday fariisimada Ciidamada Cadawga Itoobiya ay kuleeyihiin magaalada Muqdisho xili Maanta dagaalo ay ku hoobteen Ciidamada Cadawga Itoobiya Muqdisho ka dheceen.
 
Warar Goordhaw nasoo gaaray ayaa xaqijinayo in xoogaga Xaq udirirka ah ay Hoobiyaal ku asqeeyeen Garoonka Kubadda Cagta Isbartiibada oo ay isku qariyaan Ciidamada Gumaysiga itoobiya, ilaa iyo 15-Hoobiye ayay Mujaahidiinta Waxiska caabintu ku hubsadeen Isbartiibada Muqdisho.
 
Dad ka ag dhaw Garoonka dedan ee Isbartiibada ayaa sheegay in ay maqlayeen Daryanka Madaafiicda iyo Hoobiyaal ku habsanayay Ciidamada Cadawga Itoobiya.
 
Dhinaca kale Weerar kan lamid ah ayaa isna ka dhacay Wasaaradii hore ee Gaashandhigga oo iyana lagu Weeraray Hoobiyaal iyo Madaafiic, markii ay Xaq udirirku ku gaaraaceen Madaafiicda Wasaaradda Gaashaandhigga ay Itoobiyaanku bilaabeen in ay Madaafiic ku gaaraacan Shacabka, kooxaha waxiska caabinta ayaa umuuqdo kuwa sii xoojiyay Weerada gumaysi diidka ah oo ay uga jawaabayaan Dilkii dhawaan loo gaystay Shahiid Aadan Xaashi Ceyroow.

 

 

 

MudugNet News