Kooxaha wax iska caabinta oo Maanta Aska Itoobiyaan ah kulaayay Muqdisho iyo Maydadkooda oo wadooyinka daadsan.
 

MudugNet, Muqdisho. Axad, May 04, 2008


dagaal qaraar oo u dhexeeyay xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa Maanta ka dhacay xaafado katirsan degmada yaaqshiid , magaalada Muqdisho kaas oo sababay qasaara lixaadleh oo gaaray Ciidamada gumaysiga Itoobiya.
 
Maanta barqadii ayay Dagaalyahanada waxiska caabinta Soomaaliyeed Weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo katirsan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo marayay Wadada Warshadaha gaar ahaan Wadada Carafaat waxaana halkaas ka dhacay Dagaal Gacmaha layskula tegay.
 
Kooxihii waxiska caabinta ee Weerarka qaaday ayaa ku guulaystay in ay hakad geliyaan Ciidamada Cadawga Itoobiya oo doonayay in ay Sahay Ciidan u geeyaan Itoobiyaanka ku jiro Warshadda Baastada, Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay geeriyoodeen 3-Askari oo katirsan Ciidamada Cadawga Tikreega iyo dhaawac kale, xoogag waxiska caabinta ayaa gubay Gaari Uural ah oo uu Raashin usaaraa Ciidamada Itoobiya Maanta duhurkii ayay Itoobiyaanku jiiteen Gaarigii laga gubay.

 

MudugNet News