Mudane Maxamed Salaad Ducaale oo loo doortay guddoomiyaha golaha       Baarlammaanka Dawlad-goboleedka Galmudug.
 

MudugNet, Muqdisho. Axad, May 04, 2008



Maalinnimadii Sabtida taariikhduna ay ahayd 04/05/08. ayaa Golaha baarlammaanka Dawlawlad-goboleedka Galmudug waxa uu u doortay guddoomiye mudane Max'ed Salaad Ducaale.


Doorasharashada guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka GalMudug ayaa waxa ay ka dhacday xarunta baarlammaanka GalMudug ee magaalada Gaalkacyo.

 

Golaha baarlammaanka GalMudug waxa uu ka kooban yahay 25 xubnood. kooramka uu guddoomiyihiisa ku dooran karo guddoomiyiisana waa 16 xubnood, sida ku qeexan Dastuurka Dawlad-goboleedka GalMud. waxaana ka qayb-galay fadhigii golaha ee Sabtidii lagu doortay guddoomiyaha 17 xubnood oo ka tirsan golaha baarlammaanka GalMudug. Halka ay fasax ku maqnaayeen 8-da xubnood oo kale, oo ku jiro guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golahu.


Waxaa shir-guddoominayay kulankaas baarlammaanka GalMudug xildhibaan Axmed Gayfane, oo ah xildhibaanka ugu da'da weyn xubnaha golaha baarlammaanka GalMudug. waxaana  isku soo sharraxday guddoomiyannimada golaha baarlammaanka GalMudug 2-da xildibaan oo kala ah Khaliif Sh. Xuseen (Khaliif-yare) iyo Max'ed Salaad Ducaale.

 

Waxaase ka carooday oo fadhiga baarlammaanka iskaga baxay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha baarlammaanka GalMudug ahaana kusimaha madaxweynaha GalMudug mudane C/Samad Nuur Guuleed. laakiin fadhiga baarlammaanku uma hakan.

waxaana cod loo qaaday 2-dii musharrax ee u tartamaysay jagada gudoomiyannimada baarlammaanka GalMudug. Xildhibaan Khaliif Sh. Xuseen (Khaliif-yare) waxa uu helay hal cod. Xildhibaan Max'ed Salaad Ducaalena waxa uu helay 15 Cod. hal xildhibaanna (C/Samad) ma uusan codayn oo shirka ayuu ka baxay. 


Waxaana cod aqlabiyad buuxda ah ugu guuleystay guddoomiyannimada baarlammaanka GalMudug mudane Max'ed Salaad Ducaale. Waxaana islamarkiiba u hambalyeeyay xildhibaan Khaliif-yare oo ahaa musharraxa looga guulaystay tartranka.

 

Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug wariye Cilmi Kulan Geeddi, oo ahaa qofka kaliya ee saxaafadda ka socday ee ka mid ahaa goob-joogyaaasha kulanka baarlammaanka iyo doorashada guddoomiyaha, ayaa ii sheegay in fadhigaaas iyo doorashada guddoomiyahaba ay u dhaceen si waafaqsan dastuurka Dawlad-goboleedka GalMudug. wuxuuna intaas ku daray Cilmi Kulan inuu hayo dhammaan codadkii kulankaas baarlammaanka ay ka jeediyeen xildhibaannadu xilliguu tartanku socday iyo tnatiijadiiba.

 

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha baarlammaanka GalMudug mudane C/Samad Nuur Guuleed ayaysan  u cuntamin doorashada guddoomiyaha baarlammaanka mudane Max'ed Salaad Ducaale. waxaana jira culays lagu saaarayo C/Samad inuu mawqifkiisa ka noqdo. waxaana dalaalladaas wada indheer-garad badan oo uu ugu magac-dheer yahay xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).    

 
Qaybaha kala duwan oo ka tirsan bulshada Dawlad-goboleedka GalMudug ayaa si diirran u soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha baarlammaanka GalMudug mudane Max'ed Salaad Ducaale. waxaana hor-yaalla guddoomiyaha arrimo culus oo ay ugu weyn tahay sidii la iskugu keeni lahaa ciidammada GalMudug, oo muddo bil ku dhawba 2 u kala qaybsanaa.

Doorashada Guddoomiyhaha Baarlammaanka GalMudug loogu doortay mudane Max'ed Salaad Ducaale ayaa waxay soo af-jaraysaa muddo dheer oo galaha baarlammaanka GalMudug uu ahaa guddoomiye-la'aan. waxayna ku soo aadday doorashada guddoomiyuhu xilli xasaasi ah. maaddaama ay 12-ka bishan May ay ku egtahay muddadii guddiyadii shirkii Bandiiradley.



Nabadda1@hotmail.com
+25290751239
Calideeq Max'ed Xaashi.
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.

 
 

 

 

 

 

MudugNet News