Shacabka ku nool magaalooyin ka tirsan Gobalka G/gaduud oo Maanta muujiyay Dareenoooda ku aadan Xasuuqa ay Itoobiya iyo Maraykanka ka wadaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb.
MudugNet, Muqdisho. Axad, May 04, 2008
Kumanaan qof oo aad u xamaadaysan ayaa maanta Barqadii isugu soo baxay fagaaraha degmada Guri-Ceel Gobalka G/gaduud waxayna ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah Maraykanka, Itoobiya iyo Dabadhilf C/laahi yuusuf.
Gudoomiyaha degmada Guri-Ceel Cali Shiikh oo meel fagaara ah kula hadlay Shacabkii isku soo baxay ayaa sheegay in Shacabka G/gaduud ay yihiin kuwa dulman isla markaana ay ka tiiraanyoodeen Dilkii Shahiid Macalin Aadan Ceyroow iyo Dadkii ku Shahiiday duqaymihii ay Maraykanku ka gaysteen Dhuusamareb.
Dhinaca kale Mudaaharaad ayaa isna iminka ka socdo magaalada Dhuusa mareeb oo ah meeshii ay duqeeyeen Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka, Mas'uuliyiinta Gobalka G/gaduud ayaa lagu wadaa in ay Khudbado u jeediyaan Shacabka Soomaaliyeed ee Maanta Mudaaharaadyada ka wado Gobalka G/gaduud.
MudugNet News