Xildhidhibaan ka tirsan Dowladda C/laahi yuusuf oo Maanta Xilkii uu hayay iska casilay kadib markii loo goodiyay.
MudugNet, Muqdisho. Axad, May 04, 2008
Xildhibaan ka tirsan Nidaamka Gumaysi raaca ah ee kusugan magaalada Baydhabo ayaa Maanta shaaca ka qaaday in Xilkii uu hayay uu iska casilay sababa lax ariiro xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya oo aan u saamixi karin in lagusii shaqeeyo Baydhabo.
Max'med Cabdi oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowlada Mbagati ayaa is casilaadiisa ku tilmaamay mid badbaada u ah Naftiisa, Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo ayuu Xildhibaan Max'med Cabdi ku tilmaamay in uu ka dhici waayay qaab ay wax uwado Xukuuamad C/laahi yuusuf.
Weriyaal ku sugan magaalada Baydhabo ayaa soo sheegay in Iscasilaada Xildhibaanka ay sabab u ahaayeen kooxo katirsan Muqaawamada oo ay isku jufa yihiin isagoona kasoo jeedo gobalka Baay, arrintan ayaa Daliil u ah sida ay u sii tabar yaraanayso Xukuumada gumaysi raaca ah, horay ayay Xildhibaano ka tirsan Dowladda C/laahi yuusuf uga tageen Baydhabo oo noqotay Xabsi kor ka furan.
MudugNet News