Maleeshiyo ka tirsan Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan oo lagu eedeeyay Burcadnimo ay ka gaystaan Gobalka Hiiraan.
 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 05, 2008

 
Odayaal ka tirsan Beesha Ciise Mudulood oo kusugan Jawiil ayaa sheegay in qasaara lixaadleh ay ka soo gaartay Isbaarooyin ay wadada dhigteen Maleeshiyo ka tirsan Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan oo ay kor ka ilaalinayaan Ciidamada Itoobiya.
 
Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Nuur Cariig oo ka tirsan Waxgaradka Beesha Ciise Mudulood ayaa ugu baaqay Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyada Dabageed in ay isaga baxaan degaanka Jawiil iyo Kala baryka haddii kale ay go'aan midaysan ka qaadanayaan dadka degmada Jawiil.
 
Maleeshiyada Dabageed ayaa lagu eedeeyay in ay falal Burcadnimo ah ka gaysanayaan Jawiil isla markaana ay Dadka si bareer ah Rasaas ugu furayaan " Maleeshiyada Dabageed waxay Jawiil ka wadaan Burcadnimo mana doonayno in aan Dusha saarano maamul ay Soomaali oo idil iska soo raacdaysay" ayuu yiri Nabadoon C/laahi C/nuur oo ah Nabadoon katirsa Beesha Ciise Mudulood arrimahan ayaa ku soo beegmayo xili yuusuf Dabageed uu abaabul Ciidan kawado xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

MudugNet News