Mudaaharaadyo lagu diidanyahay loogana cabanayay diidista Lacagaha Shilin Soomaaliga Duugga ah oo Maanta Muqdsiho ka dhacay
 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 05, 2008


Mudaaharadaayo balaaran ayaa Maanta ruxay degmooyinka gobalada Banaadir kuwaas oo looga cabanayo diidista Lacagaha Shilin Soomaliga oo malamihii lasoo dhafay ay Ganacsatada Soomaaliyeed iska diidayeen.

Saaka aroortii ayay Boqolaal qof oo reer Muqdisho ah isugusoo bexeen wadooyinka Caasimada iyagoona ku qaylinayay Erayo ka dhan kuwa diido qaadashada Lacagaha Shilin Soomaaliga Duugga ah, Dadka ugu badan ayaa isugusoo baxay Wadooyinka waaweyn ee soogalo Suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadooyinka H/wadaag iyo Aadan Cadde.

Waxaa gebi ahaanba Maanta albaabada laysugu dhuftay goobihii Ganacsiga Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad kadib markii ay soo ku laaleen Shacab Soomaaliyeed oo ku adkaysan waayay diidista lacagaha Shilin Soomaaliga ah ,meelah qaar ayaa la sheegay in ay dhibaatooyin ka dheceen gaar ahaan dhaawacyo ay Maleeshida dolwaddu u gaysteen Shacabka.

 

 

 

MudugNet News