Shiikh Shariif Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta "Cadawga Umadda Soomaliyeed iyo Dabadhilifka la shaqeeyo waxay bilaabeen in ay Shacabka cuuryaamiyaan oo ay Lacagaha Shilin Soomaaliga Feelsa ka dhigaan".
MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 05, 2008
Gudoomiyaha golaha Fulinta Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axnmed ayaa ka hadalay Sicir bararka baahsan ee ka jiro magaalada Muqdisho iyo Xasuuqa ay Ciidamada Cadawga Itoobiya iyo Maleeshiyada Dowladda C/laahi yuusuf ka wadaan Muqdisho.
Shiikh Shariif Shiilkh ayaa sheegay in diidista Lacgaha Shilin Soomaaliga Duugga ah ay Mas'uul kayihiin Gumaysiga Itoobiya iyo Dabadhilifkooda kuwaas oo dhinac walba ka cuuryaamiyay Shacabka Soomaaliyeed.
Isbahaysiga Dib U xoraynta ayaa sheegay in loo baahanyahay in Ganacsatadu ay bad-baadiyaan Shacabkooda oo ayna diidin lacagaha Shilin Soomaaliga Duugga ah " Diidista Lacagaha Shilinka waxaa Mas'uul ka ah Cadawga Itoobiya iyo Dabadhilifkooda waana la soconaa" ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
MudugNet News