Beesha Shiikhaal oo soo saartay Cambaarayn ku aadan Xasuuqa ay Itoobiya iyo Maraykanku ka wadaan Muqdsiho iyo Gobalada Dalka Soomaaliya.

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.

Isku duubni baa dadkayagoow duli kaga baxdaa
Nolol daa,imiyo deeq iyo wanaag ku durduurataa

ALaa weyn ninkii aaminaa awood leh

Taariikhdu waa jiraa markhaati ah oo dad walba iyo dal walba waxuu xumaan iyo samaan ay la yimaadaan laga daalacan karo. Ummad waliba diin, dhaqan, iyo caado astaan u ah oo lagag sooco umadaha kale ayaa bogaga taariikhda aduunka oo dhan ugu qoran oo lagu aqoonsadaa laguna ixtiraamaa. Dabadhilifnimo, hunguri xumo, basaasnimo, fulaynimo, walaalkaa oo magan kuu ah codow u dhiibid, fataalnimo, diin naceeb, xumo ku faanid, dil, dhac iyo kufsi ayaa ahaa waxyaabaha ka caagan dhaqanka suuban ee soomaaliyeed, maantana qofka waa in uu intaaba ku sifoobaa si uu xil ma dhibaan uga noqdo golaha indhaha uun wax ka eega afkuna xiran yahay ee mbgati.

Dadka noocaas ah waxay na dhaxalsiiyeen in ay wadankii gumaysi soo jireen ah gacanta u geliyaan. ummadii intii wax garadka ahaydna qaarna la gumaado, qaarna gaalada iyo codowga faraha loo geliyo, qaarna wadanka ka soo cararaan oo badaha u soo bareeraan, qaarna qoriga weheshadaan kuna dhaartaan in ay dadka iyo dalkaba difaacayaan inta ay nool yihiin.

Waxaa malmahii u danbeeyey ka dhacay goobo kala duwan oo ka mida dalkeena hooyo ee somaliya waxyaabo wuxuushnimo ah oo runtii aan la aqbali karin hadii aan isasoo xasuusinana waxaa ka mida gowracii culimada somaliyeed ay ugu gaysteen ciidamada cadowga tigreega masjidka al-hidaaya ee magaalada muqdisho arintaasoo kuu muujinayso cadawgu inuusan ixtiraameyn umadda iyo diintooda.
waxaan aad iyo aad uga xun nahay oo aan cambaareyneynaa Tiro ka dhowr jeer falkii ay sameeyeen dad muuqa somali ugu eg maskaxdana amxaaro ka ah ka dib markii ay u gacan geliyaan dad somali ah xabashida ayagoo sidii arigii bilaabay in ay u beecsadaan dadka. Xaaraan quutayaashaan isku magaacay maamul waxay iibsadeen badahii ayagoo sun ku shubay waxay shacabkii ku rideen sicir barar ayagoo lacago been abuur ah raasumaalkoodii ku bililiqeystey waxay umadda ka dhaceen oo hanti ah waxay guryo kaga gateen dubai iyo meelo kale intaa oo xaaraan ah way ku filnaan weyday markaasey u dhaceen dadkii muslimiinta ahaa ee soo maciin biday in ay ku noolaadaan dhulkan xumaan falayaasha maaha markii ugu horeysay oo ay arimo guracan ka sameeyaan gobalada waqooyi bari.

waxaan si weyn u dhaleeceyneynaa weerarkii, fulaynimada iyo waxshinimada ahaa ee lagu dilay culimada qiimaha badnayd oo ay ka mid ahaayeen macalim Aadan Xaashi faarax (Ceyrow) iyo sheekh Muxiyadiin Maxamed Cumar (raximahulaahum) oo ahaa runtii macalimiin qaran, astaan qaran, halyeeyo qaran, bog dahabna kaga qormay taariikhda nadiifka ee ummadda Soomaliyeed. Waxa aanu marqaati ka wada nahay in culimadas ayan weerarin washigton , newyork ,paris,lodon iyo roma. waxa loo xasuuqayna ay tahay sidee u oran kartaan muslim ayaanu nahay waana isku xukumeynaa. Dowlada mareykanka xaq uma laha culimada muslimiinta inta magacyo been ah ku shaabadayso gumaadna uga gaysato gurigooda dhexdiisa.

Guntii iyo gebagebadii waxaan hubnaa in halganka xaqa ah ee maanta ka socda Soomaaliya uu yahay halganka dhabta ah ee lagu joojin doono isbalaarinta iyo kibirka tigreega taagta daran ee xoog shisheeye isku halaynayo ku hayo umaddda soomaaliyeed,waxaana u soo jeedinaynaa qurumaha ku dhaqan wadanka ithopia in ay iska dul qaadaan taliska jahawareersan ee naf la caariga ah ee meles zenewi dowlada eretereeya iyo umado badan oo degan geeska Afrika waxaan ugu baaqeynaa in aan xoogageena midayno meelna uga soo jeesano cadowga dadkeena iyo dalalkeena qatarta ku ah .

Wabilaahi towfiiq.