War deg deg ah: Dagaal qaraar oo u dhexeeyo Ciidamada Cadawga Itoobiya iyo Muqaawamada oo Goordhaw ka bilaawday deegaanka Garisyaani Gobalka Hiiraan.
 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 07, 2008


Dagaal qaraar oo laysku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kaladuwan ayaa Goordhaw ka bilaawday deegaanka Garisyaani oo u dhexeeyo degmada Halgan iyo Buulaburde gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhexeeyo Ciidamada Wax iska caabinta Soomaaliyeed iyo Gumaysiga Itoobiya oo isku dayaya in ay ka cararaan degmada Buulaburde, Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid aad culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Warar hordhac ah ayaa sheegayo in Xoogaga waxi ska caabintu ay ku gubeen laba baabuur oo ay wateen Ciidamada Cadawga Itoobiga, deegaanka Garisaani ayaa ah meel Istiraatiiji ah oo ay adagtahay in ay ka gubaan Ciidamada Itoobiya, Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee Dagaalka lagu qaaday ayaa Xalay saqdii dhexe isgaa baxay Buulaburte waxaana wadada u galay xoogaga wax iska caabinta Soomaaliyeed

 

MudugNet News