Magaalada Muqdisho oo Maanta laga dhaqan geliyay qaadashada Lacagaha Shilin Soomaaliga Duugga ah.

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 07, 2008


Ganacsatada kunool magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmiya u dhaqan geliyay qaadashada Lacagaha Shilin Soomaaliga duuga ah oo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ka dhalisay sicir barar iyo Jiha Wareer dhinaca nolosha ah.

Maanta waxaa si caadi ah uga socdo Suuqyada magaalada Muqdisho qaadashada 1000-ka shilin Soomaaliga Duugga ah iyo mid ka jeexan kadib markii ay Shalay kulan yeesheen Guddiyada Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo culimaa udiinka Soomaaliyeed.

Dhaqa dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan ayaaa Maanta ka jiro Suuqa Bakaaraha Muqdisho iyo Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee magaalada Muqdisho ugu weyn, kumanaan Shacab Soomaaliyeed oo danyar ah ayaa si diiran u soo dhaweeyay arrintan iyadoona ay yaraadeen Dibad-baxyadii maalmahan ka aloosnaa Caasimadda Muqdisho.

 

MudugNet News