Shiikh Ibraahim Suuleey" Maalin kasta waxaa is dhiibo Maleeshiyaad katirsan Kooxda Mbagati waana wax lagu farxo".
MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 07, 2008
Ciidamada Midowga Maxkamadah Islaamka Soomaaliya ayaa sheegay in ay iskusoo dhiibeen Maleeshiyaad katirsan Dowladda C/laahi yuusuf kadib markii ay Garwaaqsadeen Khaladkii ay kujireen islamarkaana ay u damqadeen Shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka dhinaca Siyaasadda Maxkamadaha Islaamaa Soomaaliya Shiikh Ibraahim Suuleey ayaa shaaca ka qaaday in ay kusoo biireen Maleeshiyaad watay gaari Dagaal oo ku xaraysnaa xarunta Villa Baydhabo degmada Dharkeynleey.
Maleeshiyda isdhiibtay ayaa watay Gaari Tikinika ah oo uu saaraa Qori nuuca lo oyaqaan Dhshiikha ah, mid ka mida Maleeshiyadii isdhiibtay ayaa warbaahinta u sheegay in aaney jirin wax dowlad ah isla markaana ay u taliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya.
MudugNet News