Warar Goos-Goos ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo Galabta lagu laayay deegaanka Warmaxan iyo Weerar qorshaysan oo Galabta lagu Dilay Taliyihii Ciidamada Dowladda degmada Diinsoor xaalada magaalada Baydhabo oo Caawa kacsan.

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 07, 2008

Dagaalyahanada Kooxda Al Shabaab ee gumaysi diidka ah ayaa Galabta Dhegta Dhiigga u daray Ciidamo isugu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan oo ku kala sugnaa gobalada Baay iyo Sh/hoose.
Maanta Gelinkii dambe ayay Xoogaga wax iska caabinta Soomaliyeed Weerar qaabaysan la eegteen Kolonyo katirsan Ciidamada Dowladda C/laahi yuusuf oo marayay deegaanka Maanya Fuulka Duleedka magaalad Baydhabo waxaana halkaas ku Halaagsamay ilaa iyo 8-Askari oo katirsan Kooxda Mabgati oo uu kamid ahaa Taliyihii degmada Diinsoor oo la oran jiray Col.Kowte oo ahaa Nin caan ka ahaa gobalada Baay iyo Bakool.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Caawa shir Jaraa'id ku qabtay Khadka Taleefanka ayaa ka warbixiyay Weerardii ay Maanta ku qaadeen Ciidamada Cadawga Itoobiya iyo Maleeshiyada C/laahi yuusuf.
Abuu Mansuur ayaa sheegay in Mujaahidiinta Al Shabaab ay Maanta Weerar ku qaadeen Tikree marayay inta u dhaxayso deegaanka warmaxan ilaa iyo Yaaq bariweyne waxaana halkaas ku dhintay in kbadan 50-Askari oo Itoobiyaan ah.

Warar Madax banaan oo ay Heshay Shabakadda Wararka Mudugnet.com ayaa xaqiijinayo in Maanta oo kaliya ay Tikreega Itoobiya Soomaaliya uga geeriyoodeen 80-Askari oo ah tiradii ugu badneed oo maalin qura laga Dilo Tikreega kusoo duulay Soomaaliya.
Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa sii xoojiyay Weeraradooda tan iyo markii uu shahiiday Hugaamiyihii Ciidamada Al Shabaab Shiikh Aadan Ceyroow, Abuu Mabsuur ayaa Shirkiisa jaraa'id Caawa ku sheegay in ay sii wedayaan aar goosiga inta ay Itoobiya Dalka isaga baxayso.
 

MudugNet News