Xiisada Colaadeed oo kat aagan Tuulada Cali Fooldheere oo ka tirsan Sh/dhexe kadib markii Xalay lagu Dilay Afar qof oo isku qoys ah iyo Beelaha dego Mahadaay oo isku bira tumanayo.
MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 07, 2008
Dadka ladilay oo ahaa xoolodhaqato ku dhaqan deegaanka Cali fooldheere ayaa xalay saqdii dhexe maleeshiyo beeleed hubeysani ay ku soo weerareen halkii ay degenaayeen. Waxaana la sheegay in maleeshiyo beeleedkan ay rasaas ku fureen qoysas hurdey aqaladoodii.
Weerarkaan ayaa sidoo kale waxaa uu dhaawac ka soo gaaray ilmo yar, dadka ku dhintey weerarkaan ayaa waxaa ku jirey haweeney.
Illaa iyo hadda lama yaqaan cida geysatay falkan weerarkan hase yeeshee wararka qaar ay sheegaya in weerarkan cida geysatay ay yihiin mid ka mid ah beelaha dega deegaanada hoos taga maamulka degmada Mahaday ee gobolka sh.dhexe.
Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa sidoo kale weerar ay ku qaaden maleeshio beeleed deegan ka mid ah degmada Mahaday waxaa lagu diley labo ruux iyadoo mid kalana uu ku dhaawacmay.
Weerarkaan ayaa la qaaday iyadoo deegaanada hoos yimaada maamulka degmada Mahaday ay yihiin kuwa hoos taga maamulka midowga maxaakiimta.
MudugNet News