Cabdi Raxiin Ciise Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka " Mujaahidiinta Maxkamadaha Islaamka Soomalaiya waxay qarka u saaran yihiin in ay Dhabarka jebiyaan Cadawga Tikreega".
MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 09, 2008
Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Cabdi Raxiin Caddoow ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadoodu ay guulo ka gaareen dgaalo kala duwan oo ay lagaleen Maleeshiyada Dowladda C/laahi yuusuf iyo Ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Saraakiisha ugu sarayso Ciidamada Maxaakimta Islaamka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay qasaara dhabarka u saariyeen Ciidanmada gumaysiga Tikreega soo duulay, Cabdi Raxiin Ciise Caddoow ayaa carrabka ku dhiftay in Ciidamadoodu ay dhowr hoobiye ku garaaceen xarumaha Tikreega Itoobiya ay Muqdisho kuleyihiin sida Wasaaradda Gaashaandhigga,Kuliyada Jaale Siyaad, iyo Guul-Wadayaasha.
ilaa iyo 27-Hoobiye ayay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ku garaaceen Itoobiyaanka taas oo sababtay khasaare baaxadleh oo gaartay Ciidamada Cadawga itoobiya, Madaxda Maxkamadaha ayaa ku hanjbay in ayu siiwedayaan dagaalka gumaysi diidka ah.
MudugNet News