Dagaal ay Dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay deegaanka Banaaneey duleedka magaalada Jowhar gobalka Sh/dhexe iyo Ciidamada Madaniga Jowhar oo Burcad dilay.

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 09, 2008


Dagaal dhaxmaray xoola dhaqato iyo Beeraleey oo ka dhacay tuulada Banaaneey oo katirsan gobalka Sh/dhexe ayaa sababay dhaawac kala gaaray labada dhinac, Wararka nagasoo gaarayo magaalada Jowhar xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa sheegayo in xiisad colaadeed ay u dhaxayso.

Xiisad colaadeed ayaa la sheegay in ay ka taagantahay gobalka Sh/dhexe xili Bareeralaydu ay ku guda jiraan qodashada Beeraha taas oo keentay in ay isku dhacaan Xoola dhaqatada usoo naq raacday Roobabka da'ay deegaanada ku teedsan Webiga Jiinkiisa.

Odayaasha iyo Waxgaradka degmada Jowhar ayaa wado dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeyo Beeralayda iyo xoola dhaqatada, dhinaca kale Ciidamada Madaniga degmada Jowhar oo dhawaan la sameeyay ayaa bilaabay howlo amaan sugid ah oo ay kula dagaalamayaan Burcadda hubaysan, malainimadii shalay ayaa toogteen Nin Burcad ah oo doonayay in uu Bililiqaysto dhismihii warshadii hore ee Isnaay.

 

MudugNet News