Degmada Waaberi oo degan kadib markii Xalay ay ka dheceen Dagaalo lagu laayay Maleeshiyada C/laahi Yuusuf iyo Maydad saaka laga helay Saldhigga Booliska.
MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 09, 2008
Waxaa saaka degan xaalada deegaanadii ay xalay dagaalada qaraar ku dhaxmareen xoogaga wax iska caabinta Soomaaliyeed iyo Maleeshiyada dowladda C/laahi yuusuf ee tagaeerto Ciidamada Cadawga Itoobiya.
Ciidamada Muqaawamada Soomaaliyeed waxay xalay si buuxda ula wareegeen Saldhigga Booliska degmada Waaberi iyagoona halkaas ku gubay Gaadiid Dagaal oo ay lahaayeen Maleeshiyada deowladda ee sheegato in ay yihiin Boolis.
Warar aan saaka ka helnay goobihii lagu dagaalamay ayaa xaqiijinayo in Maydadka Maleeshiyadii dowladda laga daad gureeyay wadada Dabka iyo agagaarka Saldhigga Booliska, Dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogagii wax iska caabinta Soomaaliyeed ay gubeen Gawaari dagaal isla markaana ay qaniimaysteen hub iyo Rasaas farabadan.
MudugNet News