War deg deg ah: Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda C/laahi yuusuf oo Goor dhaw lagu Dilay xaafadda Afarta Jardiino ee degmada yaaqshiid waqooyiga Muqdisho.
 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 09, 2008


Xoogaga Waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa Maanta meel fagaara ah ku toogtay Sarkaal katirsan Ciidamada Nabad Sugidda Dowladda C/lahai yuusuf xili uu faraha kula jiray howlo Jaasuusid ah oo uu ku samaynayay Shacabbka Soomaaliyeed.

Maanta Duburkii ayay xoogag hubaysan ku khaarijiyeen Nin la oran jiray Qaasim Xaafadda 4-ta Jerdiino degmad yaaqshiid magaalada Muqdisho, boog joogayaal ayaa sheegay in kooxihii falka gaystay ay in cabaar ah dul taagaanyeen Mujrimkan la dilay oo siweyn looga yaqiin xaafadda Suuq Bacaad.

Sarkaalkan Maanta la khaarijiyay ayaa qayb ka ahaa Nidaamka C/laahi yuusuf ee Mugdiga geliyay Jiritaanka Shacabka Soomaaliyeed, Dagaalyahanada Wax iska caabinta ayaa markasta beegsada Saraakiisha Nabad Sugidda Dowladda ee dhibaatada ku ah Shacabka Soomaaliyeed Waqooyiga Muqdisho ayay ku baaheen howlaha wax iska caabinta


MudugNet News