Gaadiidlayda BL-ka oo Cabasho ka muujiyay Awaamir ay dhawaan kusoo rogeen Al Shabaab oo ahaa in ay Muraayado furfur ah ay ku xiraan gaadiidka


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 23ka Feberaayo, 2010.
 

Gaadiidlayda magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujinaya qiima kac xoogan oo ay ganacsatadu ku samaysay alaabaha baabuurta iyo awaamir ay kusoo rogeen kooxaha islaamiyiinta ee maamulo qaybo muqdisho katirsan

Darawalada gaadiidka ayaa ka codsaday Al-shabaab in ay kala hadlaan ganacsatada ka beyac Mushtara Muraayadaha gaadiidka si qiima dhimis lagu sameeyo qiimaha laka siisto qalabkaasi.

Qaar kamid ah darawadalan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu baahan yihiin in la dhimo qiimaha lakala siisto Muraayadaha gaadiidka oo hada aad qaali u ah.

Al-shabaab ayaa dhowaan soo saartay awaamir la xiriirta in darawalada gaadiidka ay badalayaan Miraayadaha aan furmin ee ku xiran dhinacyada gaadiidka si ay dadka rakaabka ah nafis u helaan Waxaana xiligaasi wixii ka dambeeyay ay darawalada sheegeen in ganacsatada iibisa Muraayadaha ay qiimaha kordhiyeen..