Shaqaalaha Caafimaadka Xeryaha Qaxootiga Kenya oo shaqo joojin Sameeyay.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 23ka Feberaayo, 2010.
 

Shaqaalaha caafimaadka Xeryaha Qaxootiga IFO iyo Xagar-dheer ee dalka Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin ay kaga cabanayaan dhaqaale xumo soo wajahday ka dib markii madaxda sare ee caafimaadka ee ka shaqeeya Xeryahaasi ay ka dhaga fureesteen cabashooyinkooda.

Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee shaqo joojinta sameeyay ayaa warbaabinta u sheegay in sababaha shaqa joojinta ay u sameeyeen ay ugu horeyso mushaarooda oo aad u yar iyo tixgalin la’aan ay kala kulmeen saraakiisha sare ee ka shaqeeya Xeryaha Xaqootiga ee Kenya.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa tilmaamay in Mushaarkooda uu ka hooseeyo $100 Doolar qofkiiba taasoo aan dabooli Karin baahidooda dhaqaale shaqaalaha iyo qoyskooda.

Shaqo joojinta shaqaalaha caafimaadka Xeryaha Qaxootiga oo soo bilaabatay labo isbuuc ka hor waxa ay saameen ku yeelatay adeega caafimaad dadka qaxootiga ee ku nool IFO iyo Xagar-dheer sida ay ku cowdeen qaar ka mid ah qaxootiga ah ee ku nool Xeryahaasi.

Xeryaha Qaxootiga Kenya waxaa dhawaan booqday saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha samafalka iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya kuwaasi oo balan qaaday iney wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka Nolosha ee ka jira Xeryaha Qaxootiga.

Mudugnet-Nairobi.

Abdukadir Ahmed Olad