Hubka lagu
Iibiyo Suuqyada magaalada
Muqdisho oo Sare u kac balaaran
laga dareemayo.
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
Xilli
magaalada Muqdisho ay ka jiraan
dhaq dhaqaaqyo colaadeed ayaa
sare u kac aad udaran laga
dareemayaa Hubka nuucyadiisa
kala gedisan ee lagu Iibiyo
Suuqa Bakaaraha gaar ahaan
qaybta cirtoogtaha loo yaqaan.
Ganacsatada iibisa hubka ee
suuqa Cirtoogte ee magaalada
Muqdisho ayaa sheegaya in Sare u
kac xoogan uu ku yimid qiimaha
lagu iibsido hubka ee suuqaasi
oo lagu tilmaamo inuu yahey
suuqa ugu weyn ee hubka lagu
iibisado gudaha dalka
Soomaaliya.
Qaar ka
tirsan ganacsatada iibisa hubka
ee suuqa Cirtoogte oo maanta
qaarkood la hadlayey Warbaahinta
ayaa sheegey in sare kac hadda
ka jira suuqa uu soo taagnaa
muddo dheer iyadoo taasi ay
sabab u tahey dagaalada iyo
Colaadaha weli ka aloolsan dalka
soomaaliya.
Mid kamid
ah ganacsatada Suuqa ayaa
sheegey in isha ugu weyn ee ay
hadda ka helaan hubka ay tahey
dowladda kmg ah isagoo xusey in
Ciidamo badan oo ka tirsan
dowladda kmg ah ay badanaa
yimaadaan suuqaasi iyagoo kasoo
goostey dowladda kmg ah deetana
ay iibsadaan hubkooda.
Dhanka
kale ganacsadahan wuxuu sheegey
in kooxaha burcad badeeddu ay
yihiin kuwo si aad ah u iibsada
hubka yaala suuqaasi isagoona
sheegey in Buracad badeeddu ay
dhaqaalo xoog leh ay soo
geliyeen Suuqa Cirtoogtaha.