Xildhibaanno ka tirsan dowladda
KMG ah oo weli ku dhiban Xabsi
ay dhigeen Ciidanka Itoobiya
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
Dowladda
Itoobiya ayaa weli Xabsiyada
magaalaa Jigjiga ismaamulka
dhulka Somaligalbeed ee lagu
gumaysto ku haysa Xildhibaanno
katirsanaa dowladda shariifka oo
si xun loogu bahdlay gudaha
Itoobiya.
Xildhibaan
Cali jeyte Cusmaan oo ka tirsan
Barlamaanka dowladda KMG ah ee
soomaaliya ayaa sheegey in la
filayo in maanta oo sabti ah
maxkamad ku taala magaalada Jiga
jiga ee dhulka soomaali galbeed
la hor keeno labo Mudane oo ka
tirsan barlamaanka dowladda kmg
ah kuwaasi oo Ciidamada dowladda
Itoobiya ay horey xabsiga
udhigeen.
Cali jeyte
Cusmaan ayaa Mas’uuliyiinta sar
sare ee dowladda KMGah wuxuu
dusha ka saarey Mas’uuliyadda
xariga loo geystey xildhibaanada
wuxuuna xusey in dalalka dariska
ay mar walba tacadiyo iyo sharaf
ka dhac ugeysteen Mas’uuliyiinta
ka tirsan dowladda kmg ah ee
soomaaliya.
Labo
Mudane oo ka tirsan barlamaanka
dowladda KMG ah ee Shariif uu
hogaamiyo ayaa maal mihii dhawaa
ku xirnaa xabsi ku yaala
magaalada Jig jiga ee dhulka ay
Itoobiya xooga ku heysato ee
soomaali galbeed iyadoona aan
ilaa hadda la shaacin wax rasmi
ah oo lagu heysto Xil
dhibaanadaas.
Tani ayaan
aheyn markii ugu horeysey ee la
xiro Mudanaal ka tirsan
barlamaanka dowladda Dowladda
KMG ah ee soomaaliya .dhawaan
ayey markii Ciidamada booliiska
dalka Kenaya ay xabsiga dhigeen
Toboneeyo xil dhibaano ah oo
katirsan balramaanka dowladda
kmg ah waxaana mudanyaasha lagu
eedeeyey inay si sharci darro ah
ku joogeen gudaha dalka Kenya.