Axmed Madoobe oo ku hanjabay dagaal iyo qaraxyo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ee ku sugan magaalada Muqdisho


MudugNet, Muqdisho, Axad, 28ka Feberaayo, 2010.
 

Hogaamiyaha dagaalyahanada Jubbooyinka Sheekh Axmed madoobe ayaa ku goodiyay in uu sare u qaadayo dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab xilli Al Shabaab ay la wareegeen magaalooyin waaweyn oo dhaca gobalka Jubbada Hoosem Madoobe wuxuu hadda samaynayaa qaraxyo iyo dilal shabaab ka dhan ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab, isagoona sheegay in ururka Xizbul islaam dagaalka aanu qarinaynin sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Axmed Madoobe ayaa sheegay in mas'uuliyiinta Al-shabaab ay ku ugaarsan doonaan meel walba oo ay dalka ka joogaan, waxaana uu xusay inay la gali doonaan dagaal dhinac walba leh.


"Ragaas iyaga ah saraakiishooda Muqdisho ayaan ku dili doonaa, ku qarxi doonaa, dagaal dhinac walba leh ayaana la gali doonaa" ayuu yiri Shiikh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo kamid ah mas'uuliyiinta ururka Xizbul Islaam.

Dhinaca kalena wuxuu ka hadlay meydka nin ay shalay ciidamada ururka Al-shabaab ku gowraceen deegaanka Diif, waxaana uu sheegay in ninkaasi ahaa nin ganacsade ah islamarkaana dilkiisa ay doonayeen inay ku cabsi galiyaan shacabka.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho