Ururka Al Shabaab ayaa maabnta
Xukuno kala gedisan ku riday
dhalinyaro ku eedaysneed in ay
dhac bareer ah ka gaysteen
suuqyada magaalada Muqdisho
islamarkaana ay hanti adag
dheceen, dadkan laxukumay waxaa
kamid ahaa ciidamo Shabaab
katirsanaa oo shirkado Xawaalado
baartay
Xukunka lagu ridey raggan ayaa
waxaa ku dhawaaqey Qaadiga
Maxkamadda oo lagu magacaabo
Alqaadi C/dul Xaq waxaana uu
sheegey in lix ka mid ah ragan
ay ka baxsadeen xabsigii ay ku
jireen islamarkaana ay ugaleen
dhanka dowladda kmg ah waxana uu
intaa ku darey in 5-ka mid ah
ragaasi ay qirteen dambiyadii
lagu eedeeyey islamarkaana mid
kasta lagu xakumey hal sano oo
xarig ah iyo in ay soo celiyaan
lacagihii ay ka dhaceen
shirkadahaasi.
Qaadiga ayaa sidoo kale
carabaabey in raga u baxsadey
dhanka dowldda kmg ah in
Xukunkooda lagu dhawaaqi doono
marka gacanta lagu soo dhigo
waxaana uu sidoo kale uu xusey
in 5-kamid ah eedeysanayaasha
inay dafireen dambiyadii lagu
soo eedeeyey taasi oo markii loo
cadeyn loo waayey Xukunkoodu uu
noqdey in lasii daayo.
Si kastaba ha ahaatee Xukunada
maanta ay Maxkamadda guud ee
Xarakada ay ku ridey raga loo
yaqaano Kaqaatayaaasha ayaa
waxaa uu imaanaya Xili
mudooyinkii u dambeeyey gudaha
magaalada muqdisho gaar ahaan
goobaha Xoogaga islaamiyiintu
joogaan ay kusoo badanayeen
kooxo aan la aqoonin oo dhac
ugeysanaya qaar ka mid ah
shirkadaha ganacsiga ee ku yaala
degmooyinka kala duwan ee
gobolka Banaadir.