Baarlamanka Dowlada KMG ah oo
Ansaxiyay mid kamida Xeer
Hoosaayada u degsan iyo Buuq ka
dhashay qaabka loo maamulaya
Siminaar dibadda ah
MudugNet, Muqdisho, Sabti,17ka Luulyo, 2010.
Baarlamanka Dowladda Federaalka
KMG ah ayaa kulamo isdaba joog
ah ku yeelanaya magaalada
Muqdisho tan iyo markii
gudoomiye loo doortay shariif
xasan sheekh Aadan oo ah siyaasi
mug siyaasadeed leh.
Xildhibaanada Baarlamanka ayaa
weli isku raaci la' xeer
hoosaadka baarlamanka oo Murun
xoogani ka taaganyahay xilli
gudoomiyaha baarlamanka iyo
wafdi uu hogaaminayo ay safar
dibadda ah ku maqanyihiin.
Mudanayaasha Baarlmaanka KMG
Soomaaliya ayaa Maanta Kulan ku
Yeesheen Xarunta Golaha Shacabka
Soomaaliyeed ee Magaalada
Muqdisho waxa ayna Xildhibaanada
ay maanta Mar kale ka Doodayeen
Xeer hoosaadka Baarlamaanka KMG
Soomaaliya.
Qodabada Maanta Mudanayaasha
baarlamaanka horyaalay ayaa waxa
ay kala ahaayeen Qodobada
11.naad iyo 12.naad ee Xeer
Hoosaadka Baarlmaanka Ku waas oo
ugu danbayntii Xildhibaanada Cod
aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen
in Sidii ay u qornaayeen Loo
qaato.
Waxaa halkaasi ka hadlay
Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee
Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi
Wali Sheekh Ibraahim Muudey kaas
oo Sheegay in Qodobada Maanta Si
buuxda loo ansixiyay.
Markii Qodobkaasi soo gaba
gaboobay ayuu gudoonku sheegay
in Siminaar ka dhacaya
Mareykanka ay u direen guddiyada
baarlamanka waxaana Hoolka ka
dhacay Buuq ay Xildhibaanadu ku
diidanaayeen in siminaarka loo
diro gudiyaha baarlamanka.