Kulan u
dhaxeeya Jaaliyadda GalMudug ee
Canada iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka GalMudug Mudane
Xasan Maxamuud Hayl oo Saacadaha
soo Socda ka dhici doona
Magaalada Toronto.
MudugNet, Muqdisho, Sabti,17ka Luulyo, 2010.
Mudane Xasan
Maxamuud Hayl ayaa Booqasho ku
soo gaaray magaalada Toronto
maalinimadii Khamiista ee 15ka
bishan July ayaa si diiran loogu
soo dhaweeyay magaalada Toronto,
iyadoo ay gegida Diyaaradaha ee
Pearson International Airport ku
soo dhaweeyeen Qaar ka mid ah
wax garadka Jaaliyadda GalMudug.
Waxgaradka
Gudoomiye Hayl ku soo dhaweeyay
Gegida Airport ka waxaa ka mid
ahaa :
Maxamed Cali
Aadan - Gudoomiyaha
Jaaliyadda GalMudug ee Canada
Cabdiraxmaan
Aw-Aadan Waxgaradka Beesha
GalMudug ee Canada.
iyo Qaar kale
oo aad u fara badan.
Inj. Axmed
Cabdulqaadir Nuur (Shiine) oo ka
mid ah waxgaradka Soomaaliyeed
ee Dalka Canada, ahna qoraa
Soomaaliyeed ee Weyn isla
markaana ah Abwaan Sameeya
Filimada Caalamiga ah ayaa iiga
wr bixiyay muhiimadda Safarka
Gudoomiyaha Baarlamaanka
GalMudug ahna markii Labaad ee
Magaalada Toronto lagu soo
dhaweeyo wafdi baaxadaan leh
iyadoo dhowr sano ka hor la soo
dhaweeyay Shariif Xasan Shiikh
Aadan oo loo qabtay Xaflaad aad
u baaxad weyn .
Xafladda
Caawa ayaa noqoneyso mid sidaa
oo kale u baaxad weyn iyadoo Inj.
Axmed shiine oo ka mid ah
Warfidiyeenka Taleevisionka
Caalamiga ah ee Universal uu
Ballan qaaday in warka
Gudoomiyaha laga soo tabin doono
Television ka Universal taasna
ay Jaaliyadda GalMudug ka daawan
doonaan hadii Allaha awoodda leh
raali ka noqdo.