10 qof oo ku dhimatay Duqaymo ay Ciidamada AMISOM degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho


MudugNet, Muqdisho, Axad,18ka Luulyo, 2010.
 

Ciidamada AMISOM ayaa sare u qaaday duqaymaha culus oo ay ku laynayaan shacabka Rayidka ah ee aan waxba galabsan waxaana 24-kii saac ee lasoo shaafay ay AMISOM Muqdisho ku dishay dad Rayi ah.

Dadka geeriyooday oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa waxaa gurihii ay jiifeen ku habsaday madaafiic Xoogan oo Ciidamada shisheeyaha ay kasoo tuurareen Xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya.

Dadka rayid ah ee kunool degmada Kaaraan ayaa ku salalay madaafiicda waawayn ee kusoo dhacaysa Xaafadahooda,iyadoona Xiligaasna aysan jirin wax dagaalo ah oo ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Isbitaalka keydsanay ee ku yaala Waqooyiga Magaalada muqdisho ayaa saakay waxaa la gaarsiiyay dhaawacyada dadkii xalay kusoo waxyeeloobay madaafiicdii Xooganaa ee Ciidamada shisheeyaha ay ku garaaceen degmada Kaaraan.

Inta badan degmooyinka gobolka banaadir waxaa joogto ka noqday madaafiicda sida arxan darada ah Ciidamada shisheeyaha Afirkaanka ah ay la beegsadaan Xaafadaha ay degenyihin dadka rayidka ah,waxaana jirin ilaa iyo hadda cid ka tirsan dowladda Federaalka ah oo madaafiicdaas si toos ah u cambaaraysay.

Duqaymihii shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa weli kasii yeerayay dhegaha Shacabka balse xalay Hurdada lamaga ledin demooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Huriwaa oo ay ku dhacayeen madaafiicda Fuuriyaha loo yaqaan