Ururka Ahluusna oo loogu Baaqay in ay Xayiraadda ka qaadaan Idaacadaha ku yaal Gobalka G/gaduud


MudugNet, Muqdisho, Axad,18ka Luulyo, 2010.
 

Cambaarayn kulul ayaa loo jeediyay xiriraankii ay Ururka Ahlusuna xireen Idaacado ku yaal magaalada Caabud Waaq ee gobalka G/gaduud.

Culimaa'udiin iyo siyaasiyiin ayaa Ahluusna ugu baaqay in ay ka fogaato joojinta duruusta diiniga ah oo ay jeediyaan sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil iyo sheekh Umal oo kamid ah Culimada Ducaadda ah ee caalamka isaga kala goosha.

Sheekh C/fataax Aways Abuu Xamza oo kamid ah Culumaa’udiinka laga yaqaano Magaalada muqdisho ayaa si xoogan u cambaareeyay go’aanka kasoo baxay Ahlu suna,wuxuuna sheegay in taasi ay cadayn u tahay in kooxdaas dowladda Ethopia ay wakiil kaga tahay la dagaalanka islaamiyiinta sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Sheekh Abuu Xamza wuxuu sheegay in go’aankaas uu muujinayo in kooxda Ahlu suna ay bari ka yihiin magacii horey ay la baxeen.

"waan ka xunahay in Koox Ahlusuna shegatay ay xayirto Muxaadarooyinka sheekh Musate Xaaji Ismaaciil oo ah Caalim Soomaaliyeed, waxaan leenahay war magacaas ha sheegana" ayuu yiri Abuu Xamza

Ururka Ahlusuna ayaa horay u xiray Dugsiyo Diinta lagu barto iyo Masaajidyo waaweyn oo ku yaal magaalada Caabud Waaq oo ay ku eedeeyeen in ay Islaamiyiin Xagjir ah ku Fikiryihiin.

Inkastoo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya xoriyadda saxaafadda ku tacadiyaan hadane weli madhicin in Ducaadda Soomalida duruustooda lamamnuuco sida Sheekh Musatfe oo ah Wadadaad siweyn uga dhaxmuudo tarbiyaynta Caruurta Qurba joogta Soomaaliyeed

Faallo: Waxaan qabnaa in Culimada ilbaxda ah ee Qurbaawiga laga mamnuuco Cajaladahooda Waddanka oo dhan waayo waxay Badankood noqdeen lajiifiyaa Banaan la joojiyaa Banaan, wax dhaxal gal ah oo ay umadda ku soo kordhiyaana ma jiraan Alleeylahee marka laga reebo Sheekh Saciid Raageh Imaamka masjid Abu-Hureira Islamic Center oo isagu aad u soo jiita jiilka soo kacaya aqoon durugsan ee xagga Diinta iyo Midda maadiga sayniska intaba isku darsadeen, Inta kale Ilaah baa la xisaabtamayo anoon jecleyn inaan mid nid u sheego Cajaladahooda oo DVD ahna gurigeyga ayay buux dhaafiyeen.

Laashin Abtidoon Aw-Baahalow
Chibougaumau, Quebec, Canada.