Weriyaasha ka Howlgala Idaacadda Dowlada KMG ah oo Cabasho ka Muujinaya Mushaar la'aan daashatay Weriyaashaasi.


MudugNet, Muqdisho, Axad,18ka Luulyo, 2010.

 
Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka KMG Soomaliya ayaa cabasho ka muujinaya mushaar la'aan ka jirtay wasaaradaasi.

Weriyaasha ka shaqeeya Idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha Afka Dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaa maalintii 5-aad ka cabanaya Mushaar la'aan baahsan.

Qaar katirsan weriyaasha ayaan soo shaqa tegin oo ku sugan qayb ka mid ah wasaaradda Warfaafinta halka qaar kale ay shaqada si gaabis ah ku wadaan.
Weriyaashii caanka ahaa ayaan Codkooda laga maqlin Idaacadda waxaana shaqada badankeeda wada Gabdhaho ka shaqeeya Idaacadda oo u Dhabar adaygay shaqada.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Dowlada KMG ah ayaa ku mashaquulsan sidii mushaar loogu heli lahaa weriyaasha waxaase jira Khilaaf dhanka Mushaarka ah oo u dhexeeya wasaaradda maaliyadda iyo weriyaasha.

Weriyaasha ayaa diidan in $20 laga jaro mushaaraadkooda wasaaradda maaliyadda ayaa amartay in weriyaasha laga jaro lacago amaankooda lagu sugo taasi oo ay weriyaashu kabiya diideen.