Al Shabaab oo Magacaawday Sarkaalka u qaabilsan hantida shacabka laga qaado


MudugNet, Muqdisho, Isniin,19ka Luulyo, 2010.
 

Kooxda Al Shabaab ayaa magacaawday Mas'uul u qaabilsanaan doono Zakada ay shabaabku ka qaadaan dadka Beeralayda iyo xoolalayda ah ee ku dhaqan Koonfurta dalka Soomaaliya oo ay Al Shabaab maamulaan.

Kulan ay yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la isku afgartay in la sameeyo xafiis lagu soo aruuriyo Zakada waxaana xafiiskaasi madax looga Dhigay Sheekh Suldaan Maxamed oo horay uga mid ahaa saraakiisha ugu sar saraysa Ururkaasi.

Sheekh Suldaan Maxamed oo ah masuulka Cusub ee manta xilkani loo magacaabay ayaa waxaa uu sheegay inay siwanaagsan u shaqayn doonaan ayna xilkooda gudan doonaan.

Sheekh Xuseen Cali Fiidow Madaxa siyaasadda iyo arrimaha gobalka Shabaab sheekh xuseen cali Fiidow ayaa saxaafadda u sheegay in sheekh Suldaan uu yahay Nin aamin ah oo kasoo shaqeeyay gobalka Shabeelaha Hooxe.

Kooxda Mucaaradka Al Shabaab oo maamusho inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa hirgelisay Maamul aan Dowli ahayn balse soo celiyay Nabadii luntay ee Soomaaliya waloow dadka islaamiyiinta eedeeya ay sheegayaan in shabaabku ay maamulka iyagu iskusoo koobaan