Dagaallo
qaraar oo maalintii 2-aad ka
socda qaybo katirsan magaalada
Muqdisho iyo AMISOM oo duqaymaha
shacabka laba jibaartay
MudugNet, Muqdisho, Isniin,19ka Luulyo, 2010.
Dagaallo iyo duqaymo culus ayaa
maalintii 2-aad oo xariir ah uga
socda deegaanno dhaca waqooyiga
magaalada Muqdisho bale ku dhaw
Villa Somaliya.
Inkastoo kooxaha mucaaradka ah
horumar aan sidaasi weynayn ay
ka sameeyeen dagaaladii shalay
ka dhacay Boondheer hadane
dhibaatada ugu daran waxay soo
gaaraysaa shacabka Rayidka ah oo
ay ciidamada AMISOM Madaafiic ku
duqaynayaan.
Inta la ogyahay waxaa dagaalkan
ku nafwaayey in ka in ka badan
15 kuwaasi oo iskugu jira
dhinacyadii dagaalamayey
inkastoo uu qasaare lixaadleh
dagaalkan ka soo gaadhay dadka
rayidka ah ee ku dhaqan goobaha
dagaalka ku dhow
Dad tiradodu kor u dhaafayso 50
qof ayaa la gaarsiiyey
cusbitaalada magalada Muqdisho
kuwaasi oo dhaawacyo kala duwan
ay ka soo gaareen dagaaladan aan
kala go'a lahayn.
Xoogaga Al Shabaab ayaa shalay
la wareegay xaruntii wasaaradda
arrimaha Gudaha Saldhigga
Boondheere,xarunta degmada iyo
deegaanno Boondheere katirsan
waxayna taasi dhalisay in AMISOM
ay carooto oo ay madaafiic ku
layso shacabka