C/raxmaan Janaqoow oo Quus ka Muujiyay sii jiritaanka Dowladda Federaalka KMG ah


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 21ka Luulyo, 2010.

 

Wasiirkii Hore ee Dowladda KMG ah u qaabilsanaa arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka ayaa Reja xumo ka muujiyay sii jiritaanka dowladda.

C/raxmaan Janaqow wasiirkii hore ee Garsoorka dowlada KMG ah oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad uu xilka ku wareejinayay ayaa sheegay in Mugdi uu ku jiro sii jiritaanka dowladda KMG ah.

"Mudane Wasiir waan kugu wareejiyay Xilka wasaaradda cadaaladda ee dowladda waana ka Niyad jabsanahay sii shaqaynta dowladda ee alle hakula garab galo xilkaaga"ayuu yiri Janaqow. 

Markii uu Hadalka dhamaystay C/raxmaan Janaqow ayuu hadlay Wasiirka Cusub ee Garsoorka dowladda KMG ah C/kariim Axmed Cali wuxuuna sheegay in uu ka xunyahay warka kasoo yeeray Janaqow.

"waan ka xumahay in Wasiirkii Hore Janaqow Reja xumo ka muujiyo jiritaanka dowladda balse aniga waan ku reja weynahay in dowladu hana qaadi doonto"ayuu yiri C/kariim Axmed Cali.

Warka quusta ah ee kasoo yeeray Janaqow ayaa kusoo aadaya xilli Xoogaga Islaamiyiinta ah ay ciidanka Dowladda KMG ah kala wareegeen fariisimo ay horay ugu sugnaayeen.