Kulan ay Albaada uxirnaayeen ayaa waxaa Maanta wada yeeshay Madax ka Socotay Hay’adda DRC ee ka hawl Gasha Galmudug iyo Madaxda Galmudug  oo ay ka mid aaahyeen Madxweynaha Galmudug Col.Max’d Axmed Caalin iyo Golihiisa wasiirada Badankood oo uu ka mid yahay wsiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Max’d Xaashi sidoo kale waxaa kulanka Goobb joog ahaa Xubno Haween ah oo ka tirsan Jaaliyadda dibadda Galmudug oo mudoyinkaan Galkacyo Joogay

 

Kulanka oo ka dhacay Hoyga Madaxweynaha Galmudug Mudane Caalin Mudo Saacado ah oo uu socday kadib waxaa Saxaaafadda Uga Warbixiyay waxyaabihii laga wada hadlay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfafinta Ahna Afhayeenka Galmudug Axmed Max’d Max’ud Xasan {Baasto” “Asagoo yiri Mas’uliyinta Galmudug iyo Madaxda Hay’adda DRC oo maanta ku kulmay qasriga Madaxweynaha Waxaa Hay’adda horkacayay Wakiilka DRC Nayroobi Yaman Jabuuti iyo Somaliya Hay’addau waxay wax ka qabatay Deegaanada Galmudug oo ay ka mid tahay xagga waxbarashada Caafimaadka iyo Bulshada Galmudug ee degan Tuulooyinka iyo Gobolada oo ay u qaybiyaan Bil waliba dhaqaale ay ugu kaalmayanyaan si loo Garab Galo Waxaana Mas’uliyiinta Hay’ada ay Madaxda Galmudug kala hadaleen Go’aan horay loo soo bandhigay oo ahaa mudo Sadex bilood ah Hay’adaha ay Xaafiisyo waa weyn Uga furtaan Galmudug Si loogu sameeyo Kormeer Joogto ah oo lagu ogaanayo Ha’ad waliba wax qabadkeeda Mas’uliyinta DRC way aqbaleen waxayna sheegen inay hir galinayaan ayna sii wadayaan kaalmaynta bulsahda Deegaanada Galmudug State”

 

Sidoo kale Axmed Baasto waxa uu intaasi raaciyay in Galmudug iyo DRC isla soo qaadeen dadka kasoo barkacaya degaanada ay Colaadaha ka jiraan ee soo deagay Galmudug oo ay usoo raadsadeen Amni iyo Shaqo waxa uuan xusay Bassto inay soo saaiday Culaysa  kale oo ah in dad dhibaataysan laga soo Barakiciyay  Boosaaso iyo Garoowe Galkacyana la keenay oo Puntland sixun ula dahqantay waxa uu ugu baaqay dadkaasi  iny deeganada Galmudug ksuoo dhaweyanyaan si nabad galyo ahna ugu noolaadaan Haddii ay deegaanadooda ugudbayaana ay Gacan ka helayaan Galmudug State

 

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

 

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com