Mucaaradka
Soomaaliya oo weerar ku qaaday
Ciidanka Kenya ee Xadka ku suagn
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 21ka Luulyo, 2010.
Dablaydan oo weerar gaadmo ah ku
qaaday Ciidamada Ilaalada
xuduuda Kenya ayaa dileen mid ka
mid ah Ciidamada Ilaalada kana
qaateen qorigii uu sitay
askarigaasi.
Dilka Askarigaasi kadib
Ciidamada iyo dablayda waxaa
dhex maray is rasaaseyn muddo
kooban socotay taasoo dhalisay
qasaare dhaawacyo u badan.
Weerarka dablaydaasi xalay ku
qaadeen Ciidamada Ilaalada
xuduudaha dalka Kenya ma jiraan
cid sheegatay, waxaana saaka
Gobolka Waqooyi Bari laga
dareemayaan dhaqdhaqaaqyo ay
wadaan Ciidamada.
Ma ahan markii ugu horaysay
askari ka tirsan Ciidamada
Xuduudaha dalka Kenya lagu
toogto xadka Kenya waxaana laga
cabsi qabaa in Kenya ay qaado
weeraro ay uga aar gudanayso
shabaab.