Rasaas Wiifto ah oo Hakisay
shaqadii ka socotay Madaxtooyada
Villa Soomaaliya
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 21ka Luulyo, 2010
Mudanayaal katirsan
Baarlamanka Dowladda
Federaalka KMG Soomaaliya
ayaa ka qayla dhaamiyay
Rasaas iyo madaafiic
hareeyay dhaq dhaqaaqyadii
Villa Somaliya.
Xogaga Islaamiyiinta oo
kaabigasoo saaray
madaxtooyada Villa Somaliya
ayaa sababtay in rasaas
wiifto ah ay hakiso shaqadii
dowladda ee ka socotay Villa
Somaliya.
Rasaas dhawaan kusoo dhacday
gudaha Villa Somaliya ayaa
sababtay geerida Hal qof oo
shaqaale ah iyo dhaawac soo
gaaray 4 kale.
Xildhibaan C/laahi Cabdulle
Bood oo katirsan
Mudanayaasha ayaa sheegay in
Villa Somaliya ay tahay meel
khatar badan "Rasaas wiifto
ah ayaan la joogi la'nahay
hadii aan warqado gay tagno
madaxtooyada waxaan aragnaa
qaar katirsan shaqalaha oo
ay Rasaas wiifta ah
dhaawacday"ayuu yiri
Xildhibaan Bood.
Xoogaga Al Shabaab ayaa ku
sugan degmada Boondheere gaa
ahaan dalcada Kobdhoodka oo
si caadi ah looga arkayo
Albaabada laga galo Villa
Somaliya.
Ciidanka AMISOM ee ku sugan
madaxtooyada ayaa la
halgamaya sidii ay
Islaamiyiinta uga difaaci
lahaayeen in ay qabsadaan
madaxtooyada iyo Garoonka
diyaaradaha magaalada
Muqdisho