Dad ay Puntland Soo Musaafirisay oo soo Gaaray Galkacyo iyo Maamulka Galmudug oo Sheegay  inay kusoo dhawaynayaan Deegankooda.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 21ka Luulyo, 2010.

 

Waxaa saacadihii Ugu danbeeyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug soo gaaray Boqolaal dad ah oo Maamulka Puntland kasoo Musaafiriyay Mgaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo Maal mahan ay ka wadeen Hawl Galo dadkaasi lagu qabanayo

 

Dadkani soo gaaray Magaalada Galkacyo oo kor udhaafaya Shan boqol oo ruux waxay ubadan yihiin dhalinyaro ka xamaalan jiratay Boosaaso iyo Garoowe waxaana sida ay qaarkood oo aan la kulanay noo sheegen la qabtay waqti ay ku jireen hawl maalmeedkooda oo qaarkood ay ku jireen Ganacsi sida ay xuseena waxaa laga qaatay dhamaanba Hantidii ay haysteen kadibna lagu soo daabulay Gawaari nooca xamuulka ah

 

Garaawida dadkani keenay oo maanta ku daadshay Kontorolka Cagaarweyne oo Askar ka tiran Puntland joogaan waxaaa badankood ay Gudaha Ugaleen Magaalada Galkcyo halka kuwo kalana ay aadeen dhanka Gobolada dhexe sida Galgaduud iyo Hiiraan oo dhalasho ahaan ay kasoo jeedaan waxana Tirada Ugu badan  dadkaasi ku suganyihiin  dhanka xaafadaha Galmudug State oo dadka deeganka ay soo dhaweeyeen siiyeena Hoy iyo Cunto intaba

 

Mas’uliyiinta Puntaland waxay sheegeen inay sii wadayaan qab qabashada dadka ka soo jeeda Gobolada Koofureed o ay ku sheegn inay Nabadda deegankooda dhib ku yihiin Dhanka kalana Mas’uliyin uhadashay Galmudug waxay ugu baaqeen dadkaasi la soo musaafiriyay inay kusoo dhawaadaan Galmudug oo ay ka helayaan meel ay dagaan Amaan iyo Shaqo sida maanta uu warbaahinta Gobolka  usheegay Axmed Baasto Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Ahna Afaheenka Guud ee Dawlad Goboleedka Galmudug State

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

 

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com