Dagaallo Culus oo Galabta ka socda Hareeraha Madaxtooyada Villa Soomaaliya


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 21ka Luulyo, 2010.


Xoogaga Mucaaradka ah ayaa galabta dagaaladii ugu cuslaa ku garaacay ciidamada AMISOM ee Fariisimaha ku leh hareeraha Madaxtooyada Villa Somaliya oo ah meesha kaliya oo ay dowladu ku xoogantahay

Iska Horimaadyaa oo ah kuwii ugu cuslaa ee Abid Muqdisho ka dhacay ayaa si toos ah uga socda wadada soo gasha Xeyndaabka Madaxtooyada ee katimaad dhanka Boondheere.

Dawanka Madaafiicda iyo Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho waxaana aad u badan madaafiicda ay ciidanka shisheeye ku garaacayaan xaafadaha shacabka.

Warar Hordhac ah ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab weerarada ku qaadeen Fariisinka ay AMISOM ka joogtay Isgoyska Boondheere oo kaabiga ku haya Madaxtooyada.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne shariif oo dalka dibadiisa ku maqanyahay waxaana muuqanaysa in ciidanka AMISOM ee Muqdisho ku sugan ku kaliyoobeen dagaalada socda oo aysan qayb weyn ka qaadanayn ciidanka Dowladda KMG Soomaaliya