

Dowladda KMG ah oo Talaab ka
qaadaysa kooxaha ku labisan
Dareeska ciidanka ee dadka dhaca
MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 22ka Luulyo, 2010.
Dowladda
KMG ah oo dagaallo culus
kala kulmaysa xoogaga
Islaamiyiinta ayaa bilaawday
in ay Howlgallo xoogan ka
samayso deegaanno katirsan
degmooyinka dowladdu
maamusho.
sheegaya
Ciidamada dowladda KMG ee
Soomaaliya howlgalo dad lagu
soo qabqabtay ka fuliyeen
xaafado ka mid ah Degmada
Waabari ee magaalada
Muqdisho.
Ciidamadan oo ah kuwa
Booliska Dowladda KMG ee
Soomaaliya ayaa sameeyey
baaritaano culus waxayna
tiro dhalinyaro ah ku
qabqabteen baaritaanada
saaka Ciidamada ka sameeyeen
Degmada Waabari ee Magaalada
Muqdisho.
Taliska Ciidamada Booliska
dowladda KMG ee Soomaaliya
kama warbixin howlgalada
saaka Ciidamada ka sameeyeen
Degmada Waabari ee Magaalada
Muqdisho.
Maleeshiyaad ku labisan
Dareeska Ciidanka Dowladda
KMG ah ayaa dhibaata ugaysta
shacabka ku dhaqan waaberi,X/weyne,X/Jajab
iyo degmada Madiina taasi oo
dad badani ka qayla
dhaamiyeen