Madaxtooyada oo qiratay in Saraakiil ka goostay Shabaab isku dhiibeen.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 22ka Luulyo, 2010.
 

Madaxtooyada Dowlada Federaalka KMG ah ayaa xaqiijisay in saraakiil katirsanaa Ciidanka xoogga dowladda ay iskusoo dhiibeen xoogaga shabaabul Mujaahidiin.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia C/laahi Cali Caanood oo faah faahin ka bixiyey Ciidamadii shalay Xarakada Alshabaab soo bandhigeen ayaa waxa uu sheegay in ay ka mid ahaayeen Ilaalada Madaxtooyada.

" waa run Ciidamada Xarakada soo bandhigtay, waxaan gudbinay kiis ka dhan ah Saddexdaasi askari si haddii marka la soo qabto Maxkamad loo saaro" ayuu yiri taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada villa Somalia oo dhanka kale beeniyey Ciidamadaasi in ay ahaayeen Saraakiil.

Al Shabaab ayaa shalay soo bandhigtay Sedax Nin oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Madaxtooyada kuwaasi oo sheegay in ay u adkaysan waayeen madaafiicda ay ciidanka AMISOM ee Villa Somaliya ku sugan ku garaacaan xaafadaha shacabka