Qaar
katirsan
aqoonyahanada
Soomaaliyeed ayaa si
kulul u cambaareeyay
duqaymaha ay
ciidanka AMISOM ka
gaystaan xaafadaha
shacabka Rayidka ah
deganyiihin ee
magaalda Muqdisho.
Prof.
Maxamed Faarax
Jimcaale oo katirsan
siyaasiyiinta
Soomaliyeed ayaa
sheegay in AMISOM ay
cadaw ku tahay
Nolosha shacabka
Muqdisho iyo
jiriraanka
magaalada.
Siyaasigan ayaa ku
Eedeeyay AMISOM in
ay xasuuqdo Maras
aan waxba galabsan
iyadoo adeegsanaysa
Madaafiic Khatar ku
ah Nolosha.
"waa
Cadaw u bareeray
xasuuqa shacabka
Muqdisho waxay
adeegsanayaan Hub
Mamnuuc ka ah in loo
adeegsado magaalo
shacab deganyahay,
waxay sheegtaan
Nabad ilaalin
sharciga aduunka
maqabo in ciidan
nabad ilaalin ah uu
madaafiicda goobta
isticmaalo"ayuu yiri
Prof.Maxamed Faarax
Jimcaale.
Siyaasigan ayaa
madaxda dowlada KMG
ah ku tilmaamay
damiir laawayaal aan
doonayn in hurumarka
shacabkooda isagoona
kula taliyay in ay
beesha ka baxaan.
"Qolada
dowlada KMG ah
sheeganaysaay yaad
xukuntaan magaaladii
waa laduminayaa
haweenkii xasuuq
ayaa lagu hayaa, war
isaga taga meeshan
shacabka iyagoo
aayahooda
katashanayee".
Wuxuu
ka hadlay qaab
dagaaleedka xoogaga
Islaamiyiinta ah
wuxuuna sheegay in
ay qayb ka yihiin
dhibaatada balse
aysan lamid ahayn
AMISOM.
"qolooyinka
hubaysan iyana
mas'uuliyadda way
qaadayaan laakin aan
Cadaaladda ka
hadalno isku mid ma
ahan madaafiicda
lagu burburinayo
magaalada dadkana
lagu laynayo iyo
Hoobiye marmarka
qaar ay mucaaradku
soo ridaan"ayuu
hadalkiisa sii
raaciyay Prof,
Jimcaale.
Ugu
dambayn siyaasigan
caanka ah ayaa ugu
baaqay shacabka
Soomaaliyeed in ay
aayahooda ka
tashtaan oo ay gees
isaga leexiyaan
xasuuqa joogtada
noqday ee lagu hayo.
Warkan
kasoo yeeray Maxamed
Faarax Jimcaale ayaa
kusoo aadaya xilli
ay ciidamada AMISOM
Madaafiic ku
burburiyeen qayb
kamid ah magaalada
islamarkaana ay
dadka rayidka ah
guryaha ku duqeeyaan